1029 Views

SAWIRO:-Guddiyo ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo kulan yeeshay

SAWIRO:-Guddiyo ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo kulan yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 23, 2019 —Kulan wadajir ah ayaa xalay waxaa ay Magaaladda Muqdisho ku yeesheen Gudiyadda joogtadda ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana kulankaasi si wada jir ah u shir Gudoomiyay Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

 

Sidoo kale madasha waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenada labada Guddoomiye Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Abshir Bukhaari,waxaana kulanka uu ku saabsanaa xoojinta iyo wada Shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

 

 

 

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii loo sameyn lahaa hal xeer hoosaad oo ay ku wada Shaqeeyaan labada Baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo bilihii la soo dhafay uu khilaaf ka dhaxeeyay wallow todobaad ka hor xal laga gaaray khilaafkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment