1176 Views

Amiir William oo ka hadlay eedii Boqotoyada ay u jeediyeen Meghan iyo Prince Harry..

Amiir William  oo ka hadlay eedii Boqotoyada ay u jeediyeen Meghan iyo Prince Harry..
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 11 2021

Amiirka Cambridge ayaa sheegay in Boqortooyadu ay “yihiin qoys aan sina u ahayn cunsuriyiin” isagoo markii ugu horreysay ka hadlayay eedeymaha ay wareysi ku bixiyeen Amiirka iyo Amiiradda Sussex.

Amiir William ayaa sidoo kale sheegay in uusan wali la hadli walaalkiis Harry, laakiin uu la hadli doono.

Meghan iyo Prince Harry ayaa dhawaan sheegay in qoyska boqortooyada ay walaac ka muujiyeen “sida uu madow u noqon karo” maqaarka wiilkooda Archie.

Qasriga Buckingham ayaa horay u sheegay in sheegashooyinkaasi ay yihiin “kuwo walaac leh” laakiin lagu xallin doono si hoose.

Bayaan laga soo saaray Qasriga Boqortooyada ayaa lagu yidhi “fikirradu way kala duwanaan karaan” laakiin labada amiir “waxay waligood ahaan doonaan xubno la jecel yahay oo ka tirsan boqortooyada”.

Mar uu maanta oo Khamiis ah Amiir William booqasho ku tagay iskuul ku yaalla xaafadda Stratford ee bariga London ayuu nin wariye ah weydiiyay: “Qoyska Boqortooyadu ma cunsuriyiin baa, Mudane?”

Amiirka ayaase ku jawaabay: “Annagu ma nihin qoys cunsuriyiin ah.”

Markii la weydiiyay inuu inuu la hadlay Amiir Harry tan iyo wareysiga Oprah kaddib, ayuu Amiir William yidhi: “May, wali ma aanan la hadlin laakiin waan la hadli doonaa.”

Booqashada Amiir William ma aha soo muuqashadii ugu horreysay ee qof ka tirsan boqotooyada warbaahinta laga arko wareysiga muranka dhaliyay kaddib – Amiirka Wales ayaa horaantii isbuucan isagana bannaanka usoo baxay.

Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan waxay wareysiga Oprah ku sheegeen in wiilkooda midabka uu maqaarkiisa noqon karo laga walwalay, laakiin waxay labaduba diideen in ay magacaabaan qofka sidaas yidhi.

Hase ahaatee, Harry ayaa goor dambe u caddeeyay Oprah in qofkaas uusan ahayn boqoradda iyo seygeeda midna.

Isla wareysigaas ayuu Harry sidoo kale uga hadlay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo qoyskiisa – gaar ahaan aabihiis, Amiirka Wales iyo walaalkiis William.

Markii uu xilka boqortooyada iska dajiyay, Harry wuxuu sheegay in uu jiray xilli uu Charles “joojiyay inuu telefoonka ka qabto”.

Mar uu ka hadlayay xiriirka isaga iyo William, Harry wuxuu yidhi: “Xiriirka hadda wuxuu ku jiraa hakad. Waqtiga ayaana wax daweyn doona, sida aan rajeynayo.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post