726 Views

Dhakhtar xabsi loo dhigay dalka Shiinaha qof uu qandho ka daweeyay awgeed

Dhakhtar xabsi loo dhigay dalka Shiinaha qof uu qandho ka daweeyay awgeed
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Dhakhtar ka howlgala magaalada Zhoukou ee dalka Shiinaha ayaa lagu soo oogay dacwad dambi ah ka dib markii lagu eedeeyay in uu daaweeyay bukaan qandheysnaa xilli uu ka shaqeynayay isbitaal aan lahayn goob lagu baaro qandhada.

Bukaanada lagu arka calaamadaha Covid-19 ee Shiinaha waxaa lagu daweyn karaa cisbitaallo gaar ah oo loogu talagalay in lagu qaabilo dadkaas.

Dhaqtarka, oo lagu magacaabo Guo, ayaa lagu soo oogay tuhun ah “in uu hor istaagayo dadaallada ka hortagga iyo xakameynta cudurrada faafa”.

Shiinaha wuxuu wadaa tallaabooyin uu ku ciribtirayo cudurka Karoona.

Cisbitaalka uu agaasime ku xigeenka ka ahaa Guo ma laheyn rug caafimaad ah oo gaar ah oo qaabisha bukaanada lagu arko qandhada.

Dhakhaatiirta Shiinaha waxaa loo ogol yahay oo kaliya ah in bukaanada lagu arko caalamadaha Covid-19 ay ku daweyn karaan xarun gaar ah oo u qalabeysan adeegyada.

Haddii lagu helo dambiga, Guo waxa uu wajihi karaa ilaa todobo sano oo xarig ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Xinhua

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post