789 Views

Dowlada Somaliya oo shacabka Masar uga tacsiyeeyay shil tareen oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Dowlada Somaliya oo   shacabka Masar uga tacsiyeeyay shil tareen oo sababay dhimasho iyo dhaawac
____________________________________________________________________________

April 19-2021

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay saxaafada  ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay shacabka iyo dowladda Masar uga tacsiyeeyneyso dadkii ku nafwaayay shil tareen oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Masar kadib shil tareen oo dhimasho iyo dhaawac sababay, iyadoo tareenku ka baxay dhabbihiisa meel ku dhow boosteejada Toukh ee gobolka Al Qalyubia ee waqooyiga Magaalada Cairo, shalay gelinkii dambe oo Axad ahayd.

Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay u garab taagan tahay Masar si ay uga gudubto saameynta masiibadan weyn, iyadoo u rajeynaysa dadka geeriyooday inuu Allah u naxariisto, kuwa dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ugu deeqo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelladooda, qaraabadooda iyo inta jecel.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post