1239 Views

Maxaa ka jira in France ay bixineyso kursigeeda joogtada ah ee Golaha Ammaanka?

____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 22, 2021–France ayaa beenisay warbixin maanta lagu daabacay wargeyska Britain ee Daily Telegraph oo sheegeysay inay kursigeeda joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee QM ay ku wareejineyso Midowga Yurub.

Wargeyska oo soo xiganaya xubin ka tirsan baarlamanka Yurub ayaa sheegay in France ay ka fakari doonto in kursigaas ay ku beddelato in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay taageeraan dhismaha Ciidan Yurub ah, iyo isbeddel lagu sameeyo habka ururka u diyaariyo siyaasaddiisa arrimaha dibedda.

“Waxaan si rasmi ah u beenineynaa arrintan. Kursiga waa keena, wuxuuna ahaan doonaa sidaas,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay madaxtooyada Fanarsiiska.

“Waxaan Midowga Yurub ula shaqeeneynaa sida ugu badan uguna macquulsan, iyo si madax-banaani ah,” ayuu yiri afhayeenka.

France ayaa ah mid ka mid ah shan dal oo xubno joogto ka ah Golaha Ammaanka ee QM, ayada oo afarta dal ay kala yihiin Britain, China, Russia iyo Marekanka.

Faransiiska ayaa muddo dadaal ugu jiray in Midowga Yurub uu yeesho ciidan u gaar ah, oo loo diri karo goobaha dagaalka, hase yeeshee qorshahaas ayaa waxaa diidan dalal badan oo xubno ka ah ururka.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post