972 Views

Dhimasho & dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay DDS

Dhimasho & dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay DDS
____________________________________________________________________________

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weeraray Dhalinyaro Xoolaleey ah oo ku sugnaa degaanka Qabalaha Ari-Qaruuf ee Gobalka Qoraxay ee dowlad degaanka Soomaalida, iyaga oo halkaasi ka geystay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaal kooban ayaa la sheegay in uu dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday iyo kuwa Xoolaleyda ah, waxaana ku dhintay hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkaas ayaa goobta isaga tegay, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degaanka Qabalaha Ari-Qaruuf ee degaanka Soomaalida si loogu daaweeyo.

Weerarkaan ayaa ku soo aadaya xilli maalmo ka hor halkaas laga sameeyey, balse hataan lla jabiyay, waxaana laga cabsi qabaa in markale deeganadaas dagaal ka qarxo.

Mas’uuliyiin ka kala socday Maakulka degmada Doolow ee Gobolka Gedo iyo dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhawaan tegay Goobta uu weerarka ka dhacat, halkaas oo ay ku dagaalameen labada maleeshiyo , iyaga oo ku guuleystay inay kala qaadaan dhinacyada dagaalamayay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post