1074 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 07, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu gaaro Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

 

Amniga Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale booqan doona degaano ka mid ah gobolka Bakool gaar ahaan Magaalada Xudur.

 

Degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu waddo in uu ka dhagax dhigo Mashaariic horumarineed oo loogu tala galay in lagu horumariyo adeegyadda Bulshadda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment