975 Views

Ciidamada Dowlada oo saakau weerar ku qaadaya Ciidamada Jeneraal Xuud ee B/weyne jooga..

Ciidamada Dowlada oo saakau weerar ku qaadaya Ciidamada Jeneraal Xuud ee B/weyne jooga..
____________________________________________________________________________

Wararka aan saakay ka heleyno duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo uu hoggaamiyo sarkaal lagu magacaabo Jeneral Abuukar Xaaji Warsame Xuud.

Sarkaalkaas ayaa ka gadooday hanaankii loo maray doorashadii ka dhacday HirShabeelle ee lagu doortay Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxuuna wacad ku maray kol sii horeysay in maamulka cusub ee HirShabeelle uusan Hiiraan ka howgeli doonin.

Odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inay ku guul dareysteen waan-waan ay ka dhex wadeen sarkaalkaas iyo hoggaanka HirShabelle.

Guul daradaasi waxay keentay in saakay ay ciidamada dowladdu weeraraan goobihii ay ku sugnaayeen sarkaalkaas iyo jabhadiisa, waxaana la sheegay in haatan ay ciidamada NISA la wareegeen deegaankii ay horay u joogeen Jeneraal Xuud iyo Jabhadiisa.

Sidoo kale Deegaanka saakay lagu dagaalamay ee horay ay u joogeen ciidamada Jeneraal Xuud ayaa lagu magacaabaa Ilkacado, waxaana haatan ku sugan ciidamadii halkaas ku weeraray ee NISA.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post