936 Views

Xukuumadda oo sheegtay inay dhaci karto doorasho Qof & Cod ah

Xukuumadda oo sheegtay inay dhaci karto doorasho Qof & Cod ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 23, 2019 | QOL |   –Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khadar) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in dadka Soomaaliyeed ay qaataan taladooda,isla markaana cidii ay iyaga rabaan doortaan.

 

Isaga oo hadal ka jeedinayey shirka soo bandhigidda qorshaha 9 aad ee hormarinta qaranka 2020-2024 ka ayuu sheegay in Madaxda hadda jirta uu isaga kamid yahay hadii ay taratamayaan oo dib loo doorto ay meel wanaagsan geyn doonaan.

 

 

 

Waxaa uu ku celiyey in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah markii waqtiga xilheyntooda uu dhamaado Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda ay si dhow ula socoto Sharciga doorashooyinka oo ay ka doodayaan Golaha Shacabka,isla markaana dhaxalka uu Madaxweyne Farmaajo ka tegi doono uu yahay doorasho qof iyo Cod ah oo ka dhacdo dalka.

 

Hadalka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ksuoo aadaya xilli Siyaasiyiin badan iyo Xildhibaano ay sheegeen in dalka aysan ka dhici Karin xilligaan doorasho qof iyo Cod ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment