1578 Views

Puntland oo soo saartay digniin ku socota Shacabka

Puntland oo soo saartay digniin ku socota Shacabka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 07 2020–Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa digniin adag kasoo saartay dadka xilliyada habeenkii ah isugu yimaada waddooyinka Caasimadda Garoowe si ay jimicsi u
sameeyaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf ayaa sheegay in isku imaatinkaasi uu ka qayb qaadan karo faafitaanka cudurka COVID-19 oo Puntland ay dadaal ugu jirto sidii looga hortegi lahaa.

Waxaa uu sheegay in kala fogaanshaha dadka ay kamid tahay dadaalka loogu jiro ka hortagga Cudurka,isla markaana Bulshada looga baahan yahay inay joojiyaan isku imaatinka,sida Xafladaha,Kubbada Cagta iyo Jimicsiga intaba oo Cudurka lagu kala qaadi karo.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa uu sheegay in Bulshada hadii ay qaadan waayaan awaamiirta la xiriirta ka hortagga Cudurka COVID19 ay dhankooda tallaabo muuqata qaadi doonaan.

Hadalka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Puntland ay diiwaangelisay 51 Ruux oo laga helay Coronavirus hal qof oo u geeriyooday iyo qof ka Caafimaaday.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment