489 Views

Xabsiga Dhexe ee Xamar oo lagu qabtay kulan lagu tageerayay Madaxweynaha Dalka

Xabsiga Dhexe ee Xamar oo lagu qabtay kulan lagu tageerayay Madaxweynaha Dalka
____________________________________________________________________________

Axad: June 12, 2022

Kulan lagu tageerayay Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ayaa lagu qabtay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Kulanka oo looga hadlayay dardargalinta howlaha shaqo ee horyaala Taliska Ciidanka Asluubta iyo taageerid iyo soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasaan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu qabtay xabsiga dhaxe ee Xamar.
Madasha ayaa waxaa ku suganaa sihayaha taliyaha ciidanka Asluunbta Soomaaliya  ahna taliye ku-xigeenka Ciidanka Gen. Cabdikariin Cali Afrax iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay heeso isugu jiraa soo dhaweyn iyo mid taageerid ah
Taliyaha Hogaanka Wacyigalinta Ciidanka Asluubta Gashaanle Sare Maxamed Maxamuud Sahal (Shido ), ayaa sheeegay in ay diyaar u yihiin fulinta amarada ka soo baxa Madaxweynaha Dalka Xasan sheekh Maxamuud .

Taliye Cabdikariin Cali Afrax  oo la hadalay Qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidanka Asluubta ayaa ku dheeraday  ahmiyada ay leedahay in qaran si daacad ah loogu adeego iyo muhiimada .

Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post