576 Views

Xubno ka tirsan dowladda UK oo BBC-da u sheegay in Dilka Sir David Amess loo xiray ninka heysta dhalshada Britain Soomaali ah

Xubno ka tirsan dowladda UK oo BBC-da u sheegay in Dilka Sir David Amess loo xiray ninka heysta dhalshada Britain Soomaali ah
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Booliska UK ayaa fal argagixiso ah u aqoonsaday dilka loo geystay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess, kaasoo dilkiisa loo adeegsaday toori.

Sir David ayaa dhowr jeer lagu dhuftay toorrida xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay.

Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in falkan “ay suuragal tahay inuu salka ku hayo islaamiyiin xagjir ah”.

Nin 25 jir ah oo British ah ayaa lagu xiray goobta isagoo loo heysto tuhunka ku aaddan falka dilka ah, booliskuna waxa ay sheegeen inaysan cid kale u raadineynin mas’uuliyadda falkaas dhimashada sababay.

Booliska ayaa qayb ka mid ah baaritaankooda hadda ku raadinaya labo goobood oo ku yaalla magaalada London, sida ay sheegeen saraakiisha.

Waxa ay boolisku aaminsan yihiin in ninkaas uu kaligiis ku dhaqaaqay ficilka balse ay wali wadaan baaritaanno la xiriira sababaha keenay dhacdadaas.

Ninka la tuhunsan yahay ayaa ku xiran gobolka Essex, sida ay boolisku sheegeen.

Xubno ka tirsan dowladda ayaa BBC-da u sheegay in ninka heysta dhalshada Britain ee falkaas u xiran uu u muuqdo inuu asal ahaan yahay Soomaa

Sir David, oo 69 jir ahaa, baarlamaankana ku matalayay deegaan baarlamaaneedka Southend West, ayaa kulan la lahaa dadka soo doortay, isagoo kala hadlayay waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Xildhibaanka iyo dadkiisa ayaa Jimcadii ku shirayay meel kaniisad ah markii la weeraray abaare 12:05 BST.

Taliyaha booliska gobolka Essex, BJ Harrington ayaa sheegay in Sir David uu “si sahlan u gudanayay waajibaadkiisa markii uu naftiisa waynayay”.

Booliska ka howl gala magaalada ayaa sheegay in ciidankooda la dagaallanka argagixisada ay ku howlan yihiin baaritaanka, iyagoo kaashanaya khubaro ka socda qaybta howlgallada khaaska ah ee magacooda loo soo gaabiyo ERSOU.

Saraakiisha ayaa ka codsanaya dadweynaha inay lasoo wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhacdadaas, iyagoo si gaar ahna dalbaday inay lasoo xiriiraan dadka haya muuqaallada CCTV-ga ama noocyada kale ee duubay falka.

Markii uu weerarka dhacay kaddib, wasiirka amniga gudaha, Priti Patel, ayaa ka codsatay dhammaan laamaha booliska inay dib u eegis ku sameeyaan xaqiijinta amniga xildhibaannada “tallaabadaasna ay sida ugu dhakhsiyaha badan u qaadaan”.

Ms Patel ayaa sheegtay in dilkaas “uu ahaa weerar argax darro ah oo lagu qaaday dimuqraaddiuadda”, iyadoo intaas ku dartay in “su’aalo sax ah la iska weydiiyay amniga dadka shacabka matalaya”.

Sir David waxa uu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 1983-kii, waxa uuna ahaa aabe dhalay shan carruur ah.

Waa xildhibaankii labaad ee isagoo baarlamaanka ka tirsan la dilo shantii sano ee lasoo dhaafay gudahood. Sanadkii 2016-kii ayaa la dilay Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa xildhibaanka la dilay ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadka “ugu naxariista badan, ugu wanaagsan, uguna macquulsan dhinaca siyaasadda”.

Afhayeenka Aqalka Baarlamaanka, Sir Lindsay Hoyle, ayaa BBC-da u sheegay in boolisku ay la xiriirayaan dhammaan xildhibaannada si ay u hubiyaan amnigooda, ayna dib ugu xaqiijiyaan nabad galyadooda kaddib dilka loo geystay xildhibaan Sir David.

Waxa uu sheegay in isaga qudhiisa si caadi ah u gutay waajibaadkiisii ku aaddanaa la kulanka dadka ku dhaqan deegaan baarlamaaneedka laga soo doortay, isagoo intaas ku daray inay muhiim tahay in xildhibaannada oo dhan ay sii wadaan xiriirka kala dhaxeeya dadkooda.

“Waa inaan xaqiijinno in dimuqraaddiyaddu ay sii jirto dhacdadan kaddib,” ayuu yiri.

Balse xildhibaanka xisbiga Conservative-ka, Tobias Elwood, ayaa u sheegay BBC-da inuu soo jeedin lahaa in xildhibaannada ay joojiyaan kulamada fool ka foolka ah ee ay la yeelanayaan shacabka ku sugan deegananadooda wixii ka dmabeeyay dilkii toorida loo adeegsaday ee Sir David.

“Waxaad kulamo ku qaban kartaa Zoom… waxaad xitaa howlo aad u waaweyn ku fulin kartaa telefoonka,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Kim Leadbeater, oo ah gabadha la dhalatay xildhibaanaddii hore ee la dilay, Ms Cox, oo qudheedana ah xildhibaan ayaa sheegtay in seygeeda uu ka codsaday inay xilka iska casisho kaddib dilka Sir David.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post