1161 Views

Wasiir Cawad oo u jawaabey Madaxweynaha Puntland

Wasiir Cawad oo u jawaabey Madaxweynaha Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad   , March 15, 2020 —Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo khudbad ka jeediyey shirka wadatashiga ee Maanta ka furmay Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin khilaafka dowladda Federaalka & Maamulka Puntland & hadal kasoo yeeray Madaxweyne Deni.

 

Wasiir Cawad waxaa uu sheegay in mararka qaar ay dareemaan tuhun ah in Puntland ay si gooni ah wa u rabto,iyada oo sheegeyso inay tahay Hooyada Federaalka Soomaaliya,hayeeshee ay ka rajeynayeen in Madaxweyne Deni uu yimaado Magaalada Muqdisho.

WASIIR CAWAD

Dowladda Soomaaliya oo rajo ka muujisay shirka Puntland-VIDEO.

Posted by Mohamed Salh on Sunday, March 15, 2020

 

“Diyaarad walbo oo nasoo dulmarto waxaanu dhahnaa armuu Saaran yahay Deni, waana daalnay sidaan Kuu sugaynay, Marka Madaxwayne waan rajaynayaan inaad Muqdisho inoogu timaado,waayo waxaa nagu jira tuhun ah inaad si gooni ah wax u rabtaan ayuu yiri”Wasiir Cawad.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in Madaxda Puntland tabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka ay ugu gudbiyaan si walaalnimo ah oo carqalad laheyn,isla markaana Xubnaha dowladda ay Wakiil ka yihiin Madaxweynaha Soomaaliya doonayaana in midnimada la xoojiyo.

 

Shirka wadatashiga Maamulka Puntland ee Maanta ka furmay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xubnaha labada Gole ee Dowladda ku metela dowladda Federaalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment