2115 Views

Qatar oo amar kusoo rogtay dalalkiii go’doomiyey

Qatar oo amar kusoo rogtay dalalkiii go’doomiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28. 2018 –  Dowlada Qatar ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan mamnuucay Badeecadaha ay soo saaraan dalalkii Sanadii hore ku dhawaaqay in ay go’doomiyen.

Xukuumadda Qatar ayaa amar ku bixisay in badeecadaha ay soo saaraan dalalka Sucuudiga, Imaaraat-ka, Baxrayn iyo Masar ee lagu iibinayo dukaamada waawayn ee laga saaro.

Wasiirka Wasaaradda dhaqaalaha Qatar ayaa warbixin uu soo saaray  ku amray in badeecadaha afartaa dal laga soo dhoofiyo, dalka si deg deg ah looga saaro.

Waxa ay Arintaani daba socotaa khilaafka diblomaasiyadeed ee dhex yaalla Qatar iyo wadamadaas.

Qatar waxay kaga gaashaamatay cunaqabataynta dhaqaale ee ay afartaa dal ku soo rogeen, hantideeda badan iyo badeecadahii ay ka joojiyeen oo ay ka ka heshay Turkiga iyo Iran.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment