1152 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo caddeeyey inuusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo  caddeeyey inuusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa caddeeyey inuusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankan ayuu yiri Cabdulcasiis Lafta Gareen wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka, oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.

Sidoo kale , Cabdulcasiis Lafta Gareen, ayaa carabka ku dhuftey in Koonfur Galbeed Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha, si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post