1164 Views

Waalidiin Carruur ay dhaleen dowladda ka geeysay Ereteriya oo banaanbax dhigay

Waalidiin Carruur ay dhaleen dowladda ka geeysay Ereteriya oo banaanbax dhigay
____________________________________________________________________________

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta dibadbax ka dhigay Waalidii sheegay in dowladda Soomaaliya ay Carruur ay dhaleen uga qaaday dalka Ereteriya si loo askareeyo, hayeeshee ay la’yihiin muddo dhowr sano ah.

Waalidiinta oo isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ay sheegeen in Carruurta qaarkood, iyaga oo aan ogeyn ay dowladda Soomaaliya si qarsoodi ah diyaarad uga qaaday magaalada Muqdisho, isla markaana nolol iyo geeri aysan ku heyn mudana aysan la soo hadlin.

Qaar kamid ah Waalidiinta banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Risaala ayaa ka codsaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta inay Carruurtooda dib ugu soo celiyaan ama  hadal siiyan.

Waxaa ay ku eedeeyeen Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin in uu ka dambeeyay in Carruurtooda loo qaado dalka Ereteriya, waxaana ay deg deg ku dalbadeen in Nolol iyo Geeri Carruurtooda ay meel ku sheegaan.

Dhowr jeer ayaa waxaa Warbaahinta kasoo muuqday Waalidiin sheegay in carruurtooda looga qaaday dalka Ereteriya, kuwaas oo ay sheegeen in ay Nolol ku la’yihiin halka qaarkood ay sheegeen in loo sheegay in carruurtooda ay geeriyoodeen, balse dowladda Soomaaliya ay beenisay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post