912 Views

Musharax Madaxweyne & Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo geeriyooday

Musharax Madaxweyne & Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18 2021–Alle ha u naxariistee  waxaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday Professor Maxamed Cabdi Maxamed ( Gaandi) oo malmihii la soo dhaafay ku jiray Isbitaal ku yaala Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska.

Professor Maxamed Cabdi Maxamed ( Gaandi) oo ahaa Siyaasi iyo Aqoon yahan ayaa kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad iyo midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu dowladii KMG aheyd ee sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kasoo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana uu heystay Dhalashada dalka Canada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo ay isku Hooyo yihiin ayaa ka tacsiyadeeyay Profeysar Maxamed Cabdi Gaandi oo xanuun haayay ugu geeriyooday dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa guud ahaan umada Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland iyo qoyskii, qaraabadii iyo saxiibadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo katirsanaa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu sooyaal qoto dheer ku lahaa Bulshada Jubaland isagoo Kamid ahaa aas aasayaashii iyo dadkii wakhtiga dheer galiyay sidii loo yagleeli lahaa nidaam ay leeyahiin Bulshada Jubaland, waxaa kale oo uu door muuqda oo aan la iloobi karin ku lahaa xorayntii inta badan deegaanada Jubaland isagoo xiligaas ahaa wasiirka difaaca dalka.

“ Prof. Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray Ummada Soomaaliyeed isagoo kasoo saaray marxalado adag Jubaland hadan ka hadalana wuxuu ahaa dadkii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaheeda iyo xoraynteeda” ayuu yiri Madaxweynahu.

Sidoo kale Marxuumku wuxuu qeyb muhiim ah kasoo qaatay tacliinta dalka isagoo ahaa shaqsi ku xeel dheer Tariikhda iyo sooyaalka Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay isagoo Alle uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post