369 Views

Puntland oo xukun ku riday rag loo heysto dilka Wiil Dhalinyaro ah

Puntland oo xukun ku riday rag loo heysto dilka Wiil Dhalinyaro ah
____________________________________________________________________________

Maxkamadda Darajada 1aad ee Magaalada Qardho ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun ku riday 5 Nin oo kamid ahaa Maxaabiista Xabsiga Magaalada, kuwaas oo loo heysto inay dileen mid kamid ah Dhalinyarada Magaalada.

Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Sharmaarke Warsame Nuux ayaa la sheegay in jirdil ay Xabsiga Magaalada Qardho oo uu ku xirnaa ugu dhex geyteen 5-ta ragga ah uu u geeriyooday Bishii la soo dhaafay ay May ee sanadkan 2022.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dhammaan Shanta Nin ay qiraal yihiin eeda loo soo jeediyay ee ah dilka Wiilka Dhalinyarada ahaa, isla markaana lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah iyo in ay bixiyaan magta marxuumka oo u dhiganta 100 Geel ah.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale sheegay in dilka sida uu u dhacay uu ahaa “ kas u’eke” sidaas darteedna loo khafiifiyay xukunka maxkamadda.

Hayeeshee qoyska Sharmaarke Warsame Nuux ayaa xukunka Maxkamadda racfaan ka qaatay, iyaga oo ku tilmaamay mid aan cadaalad aheyn.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post