966 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Anniken Huitfeldt.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo  khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Anniken Huitfeldt.
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 26, 2022

-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Marwo Anniken Huitfeldt.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, horumarinta iyo guud ahaan arrimaha muhiimka u ah danaha Labada Dal.

Sidoo kale, waxaa wada hadalka diirradda lagu saaray arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah ee Labada Dowladood. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Norway taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post