174 Views

La-taliyaha Amniga madaxweyne Xasan shekh Xuseen Macalin oo shaaciyey in Turkiga Diyaaradihiisa ay Qeyb ka yihiin Dagaalka Dagaalka kooxda Al-Shabaab

La-taliyaha Amniga   madaxweyne Xasan shekh Xuseen Macalin oo  shaaciyey in Turkiga Diyaaradihiisa ay Qeyb ka yihiin Dagaalka Dagaalka  kooxda Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Axad: DECEMBER 25, 2022

Xuseen Macallin Maxamuud oo haatan la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaa ee hadda ka socdo inta badan gobollada dalka isaga oo xaqiijiyey in Turkiga uu kamid yahay saaxibada ka qayb-qaadanayo dagaalka.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa marka hore shaaca ka qaaday in guullo waa weyn laga gaaray howlgallada socdo, isla-markaana Al-Shabaab laga saaray dhul ballaaran.

Xuseen Macallin ayaa meesha ka saaray hadalkii Wasiirka Gaashaandhigga oo isagu horey u qariyay in diyaaradaha Turkiga ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal TV, laakin la-taliyaha ayaa caddeeyay in Turkiga uu door weyn ku leeyahay dagaalka socdo, uuna u mahadcelinayo.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Turkiga uusan kaliya cirka ka taageereyn ciidamada Soomaaliya, balse uu xittaa siiyo qalab iyo tababar dheeraad ah.

“Dowladaha dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka cirka naga taageera waa badan yihiin, dowladda Turkiga cir kaliya nagama taageerto oo ciidanka ugu badan ee dagaalmaya ayey noo tababartay,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo u warramay Warbaahinta dowladda.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab, waxayna taageero ka heleysa dowladaha ay ka socdaan ciidamada ATMIS, Mareykanka, Turkiga iyo dalal kale.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa soo socday in ka badan 15 sanno, waxayna weli gacanta ku hayaan degmooyin iyo deegaano ka tirsan dalka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post