1182 Views

Canada oo ugu baaqday muwaadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan Itoobiya

Canada oo ugu baaqday muwaadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan Itoobiya
____________________________________________________________________________


Axad: November 21, 2021

 
Dowladda Canada ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalkaas.

“Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si deg-deg ah dalkaas uga bax. Aad ayay u xaddidan tahay awoodda aan ku bixin karno kaalmada qunsuliyadeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Canada.

“Ka fogow dhammaan safarrada Itoobiya, marka laga reebo kan lagu sii-maro garoonka caalamiga ah ee Bole, colaadaha qowmiyadaha, kacdoonka shacabka, colaadaha hubaysan ee ka socda waqooyiga dalka iyo khatarta ah inay ku sii fidaan meelo cusub digniin la’aan” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka Canada.

Canada ayaa hore u dhigtay in muwaadiniinteedu ay u safraan waddmo ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Myanmar, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ka jiraan khataro dhinaca amniga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post