963 Views

Daahir Maxamuud Geelle oo si weyn u dhaliilay hadal jeedintii Madaxweynaha Waqtigiiso dhammaaday Farmaajo

Daahir Maxamuud Geelle oo  si weyn u dhaliilay hadal jeedintii Madaxweynaha Waqtigiiso dhammaaday Farmaajo
____________________________________________________________________________

April 30-2021

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si weyn u dhaliilay hadal jeedintii Madaxweynaha Waqtigiiso dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan  jeediyay oo kaga hadlay go’aankii ay qaateen Madaxda maamulada iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraal Kooban oo uu soo saaray ayaa sidaan u qornaa:

Khudbaddii Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa ka muuqday in wixii aan ugu baaqaynay uu baal maray.

Markay arrimuhu murgaan, heerka ay doonaan ha ahaadaane, waxaa lagu xalliyaa wada xaajood xal doon ah oo akhyaar ay ka arrimiso ee xujootan iyo garnaqsi in lagu kala tago keenaaya laga lama hortago.

In la saxiixo ha loo yimaado iyo shuruud la’aan ha lagu yimaado, waa xujootan iyo mindi mindi ku taag, xalna ma keenaan ee Farmaajow usoo diyaar garow xaajo, xujootankana meel iska soo dhig.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post