1158 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Gaba-Gabeeyay Booqashadii Koonfur Afrika

Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Gaba-Gabeeyay Booqashadii Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa oo goor-dhow ka soo ambabaxay Dalka Koonfur Afrika ayaa saacadaha soo socda ee maanta dib ugu soo laabanaya Dalka.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa dalka Koonfur Afrika wuxuu ka qeyb galay caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa, isagoona kulamo la qaatay xalay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment