402 Views

DFS oo Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika kala hadashay gurmadka Abaaraha

DFS oo Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika kala hadashay gurmadka Abaaraha
____________________________________________________________________________

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika ( ATMIS).

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Abaaraha dalka iyo kaalinta Midowga Afrika gaar ahaan ATMIS ay kaga qayb qaadan karaan Gurmadka Abaaraha.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika kaalintooda ku aaddan nabad ilaalinta iyo gacan siinta dhanka amniga ee howlaha gargaarka.

Ugu danbeyn, madaxda ugu sarreya ATMIS oo iskugu jiray qaybahooda kala duwan ee nabad ilaalinta iyo gargaarka ayaa si wadajir ah ugu ballaan qaaday Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha joogteynta iyo xoojinta howlaha Gurmadka Abaaraha ee dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post