2166 Views

Dr. Mohamed Cali Sheikhey oo Abaal Marin Wax Qabad la Gudoonsiyay

Dr. Mohamed Cali Sheikhey oo Abaal Marin Wax Qabad la Gudoonsiyay
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | April 20, 2019 – Magaalada Toronto ayaa lagu qabtay xaflad ay soo qaban qaabisay Circolo Caldense waxaana abaal marin lagu gudoonsiiyey Dr. Mohamed Ali Sheikhey oo ah aqoon yahaan ku hawlan qadiyada Qomiyada Banaadiriga isla markaana ka shaqeeya mideeynta bulshada Somaaliyeed.

Xafaladaan oo ay ka soo qayb galeen dad aad u faro badan iyo jaaliyada Banaadiriga ee ku nool magaalada Toronto iyo nawaaxigeedi.

Ugu horaynba waxaa xaflada lagu furay aayado kamid ah Qur’aanka kariimka ah sidoo kale waxaa khudbad kooban ka jeediyay Suldaan Mohamed Ahmed Gilao – Tennis oo ka waramay taariikhda faca weyn ee Qowmiyada Banaadiriga ay leeyihiin.

Waxaa sidoo kale ka hadlay xaflada Ugaas Cabdirahiid Ciise Ugaas oo sheegay in Qowmiyada Banaadiriga ay yihiin dad nabada jecel mar walban u taagan midnimada qaranka Somalia wuxuuna xusay kaalintii ay ka qaateen xornimada Somalia gaar ahaan xisbigii SYL.

Cali Macow Xaaji ayaa isgana xaflada hadal ka jeediyay oo ku amaanay xaflada quruxda badan ee ay soo qaban qaabiyeen Circolo Caldense kuna tilmaamay ineey tahay wax lagu farxo. Cali Macow ayaa sheegay in loo baahan yahay in barnaamijkaan ay suura geli doonto in la gaaro horumar mar haddii la qiimeeynaayo qof kasta wax u qabta bulshada Somaaliyeed.

Ugu dambeeyntii waxaa meesha ka hadlay Dr. Mohamed Cali Shiikhey wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:

Waxaa salaan & Mahadnaq u soo gudbinayaa guud ahaan Asxaabteyda qaaliga ee Circolo Caldense iyo Jaaliyadda Banaadiriga ee Toronto.

Waa arrin ugub ah oo Canada ku cusub fikirka Abaal marinta shaqsiga waxtarka u yeesha bulshada

oo u baahan in lagu daydo, horseed ayay u noqonaysaa in abaalmarino noocan oo kale ah la siiyo hal doorka Soomaaliyeed.

Sharaf weyn beey ii tahay nasiib-na u yeesho in maanta ley gudoonsiyo Abaal marin kuna muteeystay Advocacy-ga aan mar walba u sameeyo Qadiyada Banaadiriga iyo ka shaqeeynta midnimada Somaaliya.

Waxaan kale oo aan ku faraxsanahay in aan noqdo Shaqsigii ugu horeeyay ee magaalada Toronto la gudoonsiyo abaal marin noocaan ah.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment