1164 Views

Madaxweyne sheegay in askar tababarka dhameysata la siin doono ulo baddalkii hubka

Madaxweyne sheegay in askar tababarka dhameysata la siin doono ulo baddalkii hubka
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 1, 2021

Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa sheegay in askarta dalkaas ee kasoo qaliin jebisay xeryaha tababarka ciidanka in la siino doono ulo baddalkii ay qaadan lahaayeren hubka.

Wuxuu sheegay in dalkiisa ay saaran tahay muddo 3 sana ah cunaqabateynta Qaramada Midoobey ee hubka isla markaana ay jirto gabaabsi dhanka hubka ah.

Hase ahaatee ku simaha safiirka Mareykanka ee South Sudan ayaa sheegay in aysan jirin wax gabaabsi oo dhanka hubka ah oo saameeyay dalka ay colaadda ka taagaan tahay – balse ay jirto cunto la’aan.

“Waxaan si isdaba joog ah ugu wargelinay Qaramada Midoobay saameynta xun ee cunaqabateynta hubka ay nagu yeelatay, .waxa kaliya ee aan helnay waa shuruudo aan aqoonsanayn horumarka ilaa hadda la gaaray”

“Waxa kaliya ah inala gudboon ah ayaa in ciidamada qalinjebiyay aan siinno ulo baddalkii hubka”ayuu yiri Madaxweyne Salva Kiir oo ka hadlayay madal ay kasoo qeybgaleen guddoomiyeyaasha goboollada oo lagu qabtay magaalada Juba Talaadadii.

Madaxweyne Kiir iyo ninkii uu sidii weyn hardanka uga dhexeeyay ee Riek Machar, oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka koowaad, ayaa bishii February ee sannadkii hore soo dhisay dawlad wadaag ah, qeyb kamid ah heshiis ay wada gaareen waxaa kamid ahaa in la sameeyo ciidan qaran oo midaysan oo ka kooban 83,000, xilli ay fulinayaan Heshiiskii nabadeed ee 2018-ka.

Xayiraadda hubka ee saaran dalkan ayaa ku ekayd bishii May ee sanadkan, balse waxaa lagu daray sanad kale.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post