504 Views

Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga, Mario Draghi, oo ka codsaday madaxweyne dalkaas Sergio Mattarella inuu xilka sii hayo

Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga, Mario Draghi, oo ka codsaday madaxweyne dalkaas Sergio Mattarella inuu xilka sii hayo
____________________________________________________________________________

Sabti January 29, 2022

Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga, Mario Draghi, ayaa ka codsaday madaxweyne Sergio Mattarella inuu xilka sii hayo, kadib markii uu baarlamaanka waddankaas maalintii lixaad ku heshiin waayay musharraxa bedalaya.

Mattarella oo 80 jir ah ayaa marar badan sheegay inuu doonayo inuu shaqada ka fariisto marka ay dhammaato muddo xileedkiisa la doortay ee todobada sano ah.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha uu ka codsaday madaxweynaha inuu eego danaha qaranka.

Hogaamiyayaasha xisbiyada Talyaaniga ayaa ku guuldaraystay inay ku heshiiyaan musharrax qura oo bedali kara Mattarella, inkastoo ay heshiis ku yihiin in xilkaas markii ugu horreysay taariikhda loo doorto qof dumar ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post