1713 Views

400 Arday oo Soomaali ah oo ku xaniban Turkiga

400 Arday oo Soomaali ah oo ku xaniban Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 20, 2018 —Ku dhawaad 400 oo arday oo Soomaali ah ayaa ku xaniban dalka Turkiga sidda uu sheegay Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Sababta ayuu ku sheegay Wasiir Goodax in aan la aqoonsaneyn Jaamacaddaha ay kasoo baxeen,islamarkaana Ardayda Soomaaliyeed halkaasi ay ku heysato dhibaato badan.

Wasiirka ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda Turkiga Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya ay u sheegtay in aan la aqoonsaneyn Jaamacaddaha qaar ee ku yaalla Muqdisho,taasina ay dhibaato badan ku tahay Ardayda Soomaaliyeed.

Goodax ayaa sidoo kale tilmaamay in ay tahay Nasiib daro dhibaatada soo wajahday ardaydaasi ee ku aadan in heerka labaad loo diiday in ay ka diyaariyaan Turkiga.

Ardayda xaniban ayaa u badan arday dalka Turkiga u aaday diyaarinta heerka Labaad ee waxbarashadda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment