693 Views

Taabid Cabdi Maxamed oo sheegay in wareegtadii Farmajo ay tahay mid lagu hor istaagi rabo baarista kiiska IkraanTahliil

Taabid Cabdi Maxamed  oo sheegay in wareegtadii Farmajo  ay tahay mid lagu hor istaagi rabo baarista kiiska IkraanTahliil
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho ayaa sheegay in Dulucda wareegtadii magacaabista ee uu xalay soo saaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay tahay mid lagu hor istaagi rabo baarista kiiska IkraanTahliil Faarax oo aheyd Sarkaalad ka tirsaneyd NISA.

Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Madaxtooyada kasoo horjeedo in baaris Madaxbanaan lagu sameeyay kiiska IkraanTahliil, iyada oo si cad loo baalmarayo sareynta sharciga, hannaanka garsoorka iyo caddaaladda.

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa tilmaamay in tallaabada ay Madaxtooyada qaaday lagu carqaladeynayo doorashada dalka ee ugu dambeysay heshiiskii iyo iscafintii uu RW Rooble ka qeyb galay, iyo guud ahaan xasilloonida siyaasadda dalka.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciddii si toos amma si dadban u hor istaagta nidaamka garsoorka dalka iyo doorashadaba ay qaadi doonto mas’uuliyadda dhibaatada ka timaada.

“Dulucda dhambaalka Villa Somalia waa isku day fal kasto oo lagu hor istaagi rabo baaris madaxbanaan oo lagu sameeyo kiiska IkraanTahliil iyada oo si cad loo baalmarayo sareynta sharciga, hannaanka garsoorka iyo caddaaladda, waana mid xadgudub ku ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed. Mana jiro qof damiir leh oo dalka iyo dadka ka naxaya oo aqbali kara labbadan ficil ee gurraca” ayuu yiri Taabid Cabdi Maxamed.

Kiiska IkraanTahliil Faarax ayaa waxaa ka dhashay khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona khilaafkooda haaray heerkii ugu xumaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post