561 Views

Xaalad deganaasho ah oo saaka laga dareemayo deegaanka Laas-qurun

Xaalad deganaasho ah oo saaka laga dareemayo deegaanka Laas-qurun
____________________________________________________________________________

Talaado: July 25, 2022

Wararka ka imaanayo deegaanka Laas-qurun oo u dhow degmada Feer-Feer ee gobolka Shabeelle, ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay jirto deganaasho aan cago badanku taagneeyn maadaama uu halkaasi shalay uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada Liyuu boolis iyo Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa dhacay kaddib markii sida la sheegay ay ciidamada Liyuu boolisku dagaal ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ee deegaanka ayaa sheegay in ay guul ka gaareen dagaalkaas isla markaana ay dib u riixeen oo ay xadka dhaafiyeen Al-Shabaabkii gudaha deegaanka soo galay.

Dadka ku nool aagga ay wax ka dhaceen ayaa ciidamada gaarka ah ee Liyuu boolis ku soo dhoweeyay halkaas, mana jirto cid shacab ah oo ilaa iyo hadda la sheegay in dagaallada ay wax ku noqotay.

Dhanka kale madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Al-Shabaab aanay khalkhal gelin karin amniga deegaanka.

“Waxaan ku kalsoonahay in amaanka deegaanka ayna sina ku khalkhalin karin argagixisada Al-Shabaab, cid kasta dab*d* ha ka riixdee. Halkani ma aha halkay moodeen!” ayuu madaxweyne Mustafa ku soo qoray bartiisa Facebook.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post