333 Views

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay degaanno katirsan gobalka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay degaanno katirsan gobalka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 21, 2022

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 6-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB iyo Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad  ee Ururuka 8-aad Kumaandooska  Gorgor ayaa howlgallo amni xaqiijin ah kawada degaanadii dhowaan laga saaray maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo bariga Gobolka Hiiraan.

Degaannada ay Ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa kamid ah, Ceel la helay, Nuur Fanax, Beer xaane, Baardheere,  Booco, Garasyaani iyo degaanno kale oo ku teedsan jiin Wabiga Shabeelle.

Howlgalladan ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in Dadka ku nool degaannada ay la wareegeen Ciidanka xoogga ay soo dhaweeyeen lawareegitaanka degaannadaas oo argagixisada ay ku dhibateeyn jireen dadka degaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, ayaa booqasho ku maraya degaannada laga saaray Al-Shabaab, iyaga oo saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post