5214 Views

Dhagayso ;-Dad Xoola Dhaqato Ah Oo Lagu Dilay Gobalka Mudug

Dhagayso ;-Dad Xoola Dhaqato Ah  Oo Lagu Dilay Gobalka Mudug
____________________________________________________________________________

Mudug  | QOL | May 27, 2017——Maleshiyaad hubeysan ayaa deegaan ka tirsan gobolka mudug waxa ay ku dileen Sadax qof oo Shacab ah kana mid ahaa dadka xoola dhaqatada ah ee ku noolaa deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug.

Kooxdii ka dambeysay dilka dadkaas ayaa goobta ka baxsataday waxana degaano ka tirsan goblka Mudug maalmahaan ka taagnaa xiisad dhalisay Gacan ka hadal oo u dhaxeeysay Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Nabadoon Jaamac Maxamuud Cali oo kamid ah Waxgaradka Gobolka Mudug oo Wareysi siiyay Qaranimo.com Xaruntiisa Muqdisho ayaa sheegay in dilkaan ay ka dambeeyeen Ciidamo watay Gaadiidka dagaalka kuwaas oo durbadiiba goobta isaga tagay.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Xiisad kacsanaan ah ay weli ka jirto halkii uu dilka ka dhacay,islamarkaana dagaaladaas iyo dilalka ka dhacaya Gobolka Mudug ay ka aamuseen dowladda Federaalka Somaaliya iyo madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Halkan Ka dhagayso 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mudug 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment