576 Views

Militeriga Mareykanka oo sheegay inay dileen ninkii kooxda Isis-K u qaabilsanaa Qaraxyada.

Militeriga Mareykanka oo  sheegay inay  dileen ninkii kooxda Isis-K u qaabilsanaa  Qaraxyada.
____________________________________________________________________________


Sabti: August 28, 2021

Militeriga Mareykanka ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay dileen ninkii kooxda Isis-K u qaabilsanaa qorsheynta xilli ay bariga Afghanistan ka fuliyeen duqeymo ay u adeegsadeen diyaaradaha Drones-ka.

Sarkaal loo maleynayo in uu ka tirsan yahay kooxda IS-K ayaa lagu beegsaday weerarkan uu Mareykanka ka fuliyay gobolka Nangarhar.

Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul,qaraxaas waxaa ku dhintay ugu yaraan ku dhawaad 170 qof oo ay kamid yihiin 12 kamid ah ciidamada Mareykanka.

Waxaana dalka Afghanistan ka socdaa dadaalla lagu daadgureynayo dadka tan iyo markii ay halkaas qabsadeen ururka Taliban.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu Jimcihii sheegay inay baacsan doonaan kooxihii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Isis -K – ama Gobolka Khorasan ee ururka la baxay Dawladda Islaamiga ah (ISKP)- waa urur-goboleed ka tirsan kooxda Isis (ama kooxda la magacbaxday Dowladda Islaamka) oo ka hawlgala Afghanistan iyo Pakistan.

Waa ururka ugu xag-jirsan marka laga hadlayo dhammaan kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Afghanistan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post