423 Views

Dowladda Tanzania oo baareysa cudur cusub oo dalkaasi ka dilaacay

Dowladda Tanzania oo baareysa cudur cusub oo dalkaasi ka dilaacay
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 13, 2022

Dowladda Tanazania, ayaa sheegtay iney baaritaan ku sameyneyso cudur cusub oo ka dilaacey koonfurta dalkani.

Cudurkani ayaa dadka ku sababaya xumad daran iyo dhiig sanka ka yimaada, iyadoo mararka qaarkoodna uu keeni karo dhimasho.

Madaxweynaha dalka Tanzania, Saamiya Suluxu Xasan, ayaa sheegtay in cudurkani uu haleeley dad fara badan.

Waxey intaa ku dartey madaxweynaha Tanzania, in goobta uu ka dilaacey ay aheyd keyn.

Keymahani markii ay burbureen, ayaa duur joogtii ku nooleyd waxey usoo hayaameen dhanka iyo magaalooyinka, iyagoo haatan dadka ku haya dhibaatooyin.

Warbixin la xiriirta cudurkani cusub ee dilaacay, ayaa la filayaa iney soo baxdo dabayaaqada toddobaadkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post