579 Views

Liverpool iyo Real Madrid oo isku arkaya finaalka koobka Champions League

Liverpool iyo Real Madrid oo isku arkaya finaalka koobka Champions League
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa in Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska lagu qabto ciyaarta kamadambeysta ee koobka Champions League oo ay ku balansan yihiin kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Ciyaartaan dhexmareysa Kooxaha Liverpool iyo Real ayaa noqoneysa markii seddexaad oo ay ku kulmaan koobkaan kamadanbaysta ah ee Champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysaa inay ku guuleysato markeedii 14-aad, taasoo markaas laba jibaar ka badan kooxaha kale, haddii Liverpool ay badiso waxay ka dhigan tahay inay ku guulaystay goobkan toddoba jeer iyada oo la sinmaysa AC Milan (7) oo ku jirto kaalinta labaad ee liiska guud ahaan hanashada koobkan.

Maxamed Saalax ayaa sheegay horaantii bishan Liverpool inay hawli qabyo kaga tahay Real kadib markii ay 3-1 ay kaga badisay kooxdaan reer Spain ciyaartii kamadanbaysta koobkan ahayd 2018 ee ka dhacday Kyiv.

Kooxda Real Madrid ayaa laga badiyay afar jeer 12 kulan oo Champions League ah xilli ciyaareedkan – Liverpool ayaa laga badiyay seddex ka mid ah 62 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan 2021-22 – sidaas oo ay tahay kooxda heysata horyaalka Spain ayaa gaadhay finalkii 17-aad ee tartanka.

Dhinaca kale, Weeraryahanka Liverpool ee Senegal Sadio Mane iyo weeraryahanka Real Madrid ee xulka France Karim Benzema ayaa labaduba u tartamaya inay ku guuleystaan Ballon d’Or-ka sanadkan oo la guddoonsiiyo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post