1527 Views

Agaasimaha Cusub Ee Madaxtooyada Oo Kulan La Qaatay Howl-Wadeennada shaqaalaha Madaxtooyada

Agaasimaha Cusub Ee Madaxtooyada Oo Kulan La Qaatay Howl-Wadeennada shaqaalaha Madaxtooyada
____________________________________________________________________________



Axad: November 28, 2021

 Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha Waaxyaha Madaxtooyada ayaa uga mahad-celiyey soo dhaweynta diirran iyo sida ay ugu taagan yihiin gudashada waajibaadka Qaran.

Agaasimaha ayaa soo bandhigay howlaha hortebinta u leh xilligan, isaga oo xusay in uu mudnaan siin doono xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo Madaxtooyada, hirgelinta qorsheyaasha Qaranka, xoojinta dowladnimada, maamul wanaagga iyo awoodsiinta dhallinyarada.

Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in looga baahan yahay Agaasimeyaasha iyo Howl-wadeennada Madaxtooyada in ay hormuud u noqdaan fulinta baaqii Madaxweynaha ee gurmadka abaaraha dalka, maadaama ay tusaale u yihiin shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Dhankooda, Agaasimeyaasha Waaxyaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Agaasimaha Cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) guulaha wax-ku-oolka ah ee la xaqiijiyey muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jiro iyo qorsheyaasha u baahan wax ka qabashada deg-degga ah ee horyaalla Agaasimaha iyo guud ahaan howl-wadeennada Madaxtooyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post