594 Views

Dagaal Xoogan oo ka socda koonfurta Ma’rib ee dalka Yeman

Dagaal Xoogan oo ka socda koonfurta Ma’rib ee dalka Yeman
____________________________________________________________________________



Arbaco: November 17, 2021

Jiida koonfureed ee Ma’rib ayaa la sheegayaa maanta oo Arbaco ah in ay ka dhaceen dagaallo aad u qaraar, sida ay ku soo warramayan Suxufiyiinta halkaas ku sugan.

Diyaaradaha Isbaheeysiga Yeman ayaa saacadihii la soo dhaafay halkaas duullaan xooggan ku qaaday, iyaga oo duqeeyay fariisimo ay la hayeen Kooxda Xuutiyiinta.

Dagaalada ayaa hadda ka socda qeybo ka mid ah buuraha Al-Sawaad ​​oo u dhaxeeya  magaalada Bani Dabyaan iyo Sirwaax oo ka tirsan Ma’rib.

Wasiirka Warfaafinta Yeman, Mucamar Al-Eryani, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ee ka dagaalamaya Ma’rib lagu xoojin doono Cutubyo horleh, si gabi ahaanba halkaas looga saaro Maleesiyaadka Xuutiyiinta oo bilihii la soo dhaafay, qeybo kamid ah Ma’rib ka waday dagaallo.

Dagaallo is daba jooga ah oo toddobaadyadii la soo dhaafay  ka socday halkaas ayaa sababay in dad badan ay ka barakacaan deegaannada ay colaaduhu ka jiraan ee gobolka qaniga ku ah saliidda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post