1233 Views

SAWIRO:- Laftagareen oo kulan isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada Booliska

SAWIRO:- Laftagareen oo kulan isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada Booliska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2019 —Kulankani oo uu ahaa mid looga hadlayey xoojinta Ammaanka iyo ka hortagida falalka lidiga ku ah Amaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa wada qaatay Sarakiisha Ciidanka Booliska Qeybahooda Kala Duwan Iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen

 

Kulanka ayaa inta uu Socday waxaa looga hadlay  sidii la isku dhaafsan lahaa Fikrado lagu xoojin karo Ammaanka iyo sidii Bulshada looga Badbaadin lahaa Dadka Caadeystay Daadin Dhiiga Shacabka Somaliyeed,sida lagu yiri War kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

 

Sarakiisha Ciidanka qeybahooda kala Duwan ayaa so Jeediyey Fikrado muhiim ah oo looga hortagi karo falalka ay geystaan  Al-Shabaab ay kula Kacaan Dadka Shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Koonfur Galbeed.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Saraakiisha Ciidanka Booliska Kaalinta Wanaagsan ee ay ka Qaateen Sugida Amaanka Degmada Baydhabo iyo Sida Har iyo Habeen ay ugu Taaganyihiin Sidii ay u badbaadin lahayeen Shacabkooda.

 

Dhanka kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Saraakiisha ku Bogaadiyey inay sii laba jibaaran Sidii looga Shaqayn lahaa Sugida Ammaanka Guud ee deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed .Somaliya

 

Maamulka uu Hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Wado Dadaalo ay ku Dooneyso Sidii Guud ahaa Deeganada Koonfur Galbeed looga heli lahaa Amni Buuxa Isla markaana looga saaari lahaa  Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed..

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment