495 Views

12-ka bisha Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay markii ugu horaysay la soo bandhigay

12-ka bisha Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay markii ugu horaysay la soo bandhigay
____________________________________________________________________________

Talaado: october 12, 2021

Maanta oo ah 12-ka bisha Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay markii ugu horaysay la soo bandhigay naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan.

Sanad walba 12-Oktoobar si weyn ayaa loo xusaa maalintan waxaana la qabtaa xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikada Calanka iyo marxaladihii laga soo samaray alifidiisa.

Calanka waxaa naqshadiisa la bandhigay sanadkii 1952-dii,12-kii Oktoobar, labadii sanno ee xigtayna dood baa ka jirtay Qaramada Midoobay tiilay, balse sanadkii 1954-tii markii Cabdullaahi Ciise uu tagay Qaramada Midoobay ayaa la’ ogolaaday.

Isla sannadkaas 12-kii oktoobar ayaa la arakay isaga oo suran Fiisho Gufeerno, oo u dhaxeeya calankii Qaramada Midoobay iyo kan Talyaaniga, balse ka gaaban, sanadkii 1956-dii markii dowladdii Cabdullaahi Ciise la dhisay waxaa lala simay kii Talyaaniga iyo kii Qaramada Midoobay.

“Sanadkii 1960-kii, 26-kii bishii Juun waxaa la surey beerta xoriyadda Hargeysa, isaga oo kaligiis ah, waana marka la yiri kana siib kana saar, ugu dambeyntiina 1960-kii , 1-dii luuliyo isaga oo kaligiis ah ayaa Xamar laga surey” ayuu yiri Abwaan Cali Dhoof oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed, uuna adeer u yahay Maxamed Cawaale Liibaan.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post