912 Views

Booliska Caabudwaaq oo qabtay waxyaabaha maanka dooriya

Booliska Caabudwaaq oo qabtay waxyaabaha maanka dooriya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-22-2020–Ciidamada Booliiska iyo Millitariga oo is kaashanaya ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmadda Caabudwaaq saddexdii habeen ee udanbeesay waxaa ay ku soo qabteen qamri iyo dadkii ka ganacsanayay

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaadkii waday qamriga maanta lagu qabtay Magaalada Caabudwaaq.

Goob Fagaaro ah ayaa lagu gubay, waxaana halkaasi ka hadlay taliska Booliska Magaalada Caabudwaaq.

Gudoomiyaha Magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in cidwalba oo Magaalada soo galisa qamriga ay tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post