480 Views

Faransiiska oo soo daadgureeyay soddon iyo shan carruur ah oo Faransiis ah iyo lix iyo toban hooyooyin

Faransiiska oo  soo daadgureeyay soddon iyo shan carruur ah oo Faransiis ah iyo lix iyo toban hooyooyin
____________________________________________________________________________

Talaado: July 5, 2022

Faransiiska ayaa soo daadgureeyay soddon iyo shan carruur ah oo Faransiis ah iyo lix iyo toban hooyooyin kuwaas oo ku noolaa xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari Suuriya.

Carruurta ayaa dhamaantood la marsiin doona baaritaanno caafimaad, waxaana hooyooyinka lagu wareejin doonaa hay’adaha garsoorka ee dalkaas.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dadka ay ku noolaayeen xaalad aad looga naxo oo ka jirta xeryaha ay dadkaas ku sugnaayeen.

Bishii Disembar ee lasoo dhaafay haweeney u dhalatay dalka Faransiiska ayaa geeriyootay, taas oo qabtay cudurka macaanka.

In ka badan boqol iyo lixdan carruur ah iyo lixdan hooyooyin ah ayaa weli ku jiraa xeryo ay maamulaan xoogagga Kurdiyiinta ee waqooyi bari Suuriya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post