897 Views

Al-Shabaab oo sheegtay in Askar katirsan Militariga Kenya ay ku dhinteen Qarax miino oo ay jidka u geliyeen

Al-Shabaab oo sheegtay in Askar katirsan Militariga Kenya ay ku dhinteen Qarax miino oo ay jidka u geliyeen
____________________________________________________________________________

isniin: October 18, 2021

War kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegtay in Askar katirsan Militariga Kenya ay ku dhinteen Qarax miino oo ay jidka u geliyeen Kolonyo Gaadiid ciidan ah oo mararayay Deegaanka Kaambooni.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 8-Askari oo Kenyan ah ay ku dhinteen Qaraxaas halka ay dhaawacmeen tiro kale oo isaga kala gudbayay Soomaaliya & Kenya gaar ahaan inta u dhaxeysa Deegaannada Kayunga ee Gobolka Lamu & Sangur.

Militariga Kenya kama wax faah-faahin ah kama bixin sheegashada Al-Shabaab ee ah in qarax miino ay jidka u gelisay ay ku gaarsiisay Khasaare dhimasho & dhaawac iyo wararka kale ee ku gedaaman dhacdadaan.

Kenya waxa ay xoogga saartay sugidda ammaanka deegaannada soo xiga Soomaaliya oo dhowr jeer Qaraxyo iyo weeraro kala kulantay Al-Shabaab, waxa ay si feejignaan ka muuqato isaga kala gudbaan soohdinta inkasta oo ay weeraro la kulmaan.

Socodka ugu badan ee ciidamada Kenya waa marka ay sahayda gudbisanayaan & waqtiga bedelka lagu sameeyo ciidanka ka joga Soomaaliya, Dadka degen deegaannada dhaca Xadka waxa ay sheegeen in xiliyadaas ay yihiin waqtiyga ugu badan ee qaraxyada & weerarada dhacaan.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post