1353 Views

Wararka NISA oo sheegtay inay qabatay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

Wararka NISA oo sheegtay inay qabatay Xubin ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 03, 2019 – War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa waxaa lagu shaaciyey in Ciidamada ammaanka howlgal ay ka sameeyeen degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose  lagu soo qabtay Xubin ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay Xubin Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha.

Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe AS ah oo shacabka ka qaadi jiray lacag baad ah. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha AS ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

NISA ma shaacin Magaca Shaqsiga ay sheegeen inay soo qabteen sidoo kalena ma baahin sawirkiisa,hayeeshee waxa uu kusoo aadayaa xilli Hay’adda NISA todobaadyadii la soo dhaafay ay holwgallo ka fulineyso deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Gobolka Banaadir.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment