894 Views

Benjamin Netanyahu “ Xamaas waxay Cadow ku tahay Danaha iyo Nolosha dadka reer Israa’iil

Benjamin Netanyahu “ Xamaas waxay Cadow ku tahay Danaha iyo Nolosha dadka reer Israa’iil
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in duqeymaha Israa’iil ee sagaalka maalmood ka socda Qaza, ay Xamaas sanado badan dib u celiyeen.

Laba shaqaale ajaanib ah oo beeraley ah ayaa lagu dilay gantaallo ay maleeshiyo Falastiiniyiin ahi ku rideen koonfurta Israa’iil Talaadadii.

Israa’iil ayaa wali sii wada duqeymaha cirka ah ee ay la beegsanayso Qaza. Daanta Galbeed, ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah ayay ku dileen booliska Israa’iil intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhacay agagaarka

Ramallah.Dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo rabshadaha ayaa xogaa guul yar laga gaaray.

Saacadihii hore ee shalay Israa’iil ayaa si kooban u furtay marinka Qaza si ay ugu oggolaato kolonyo gargaar ah inay galaan. Si kastaba ha noqotee, marinka ayaa mar labaad la xiray kadib markii halkaa lagu garaacay hoobiyaal iyo gantaallo ay soo rideen Falastiiniyiintu.

Muxuu yiri Netanyahu?

Mr Netanyahu ayaa sheegay in kooxda Xamaas,ee Falastiiniyiinta ee maamusha Qaza, ay la kulmeen “dharbaaxo lama filaan ah” wuxuuna sheegay in howlgallada “ay sii socon doonaan illaa inta dib loogu soo celinayo xasiloonida” dhamaan shacabka Israa’iil.Ugu yaraan 215 qof, oo ay ku jiraan ku dhowaad 100 haween iyo carruur ah, ayaa lagu dilay Qaza illaa iyo hadda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Israa’iil dhankeeda 12 qof, oo ay ku jiraan laba caruur ah, ayaa lagu dilay, sida ay sheegtay waaxdeeda caafimaadka.Talaadadii Israa’iil waxay sheegtay in ugu yaraan 150 mintidiin ah ay ka mid yihiin dadka lagu dilay Qaza. Balse Xamaas ma bixin tirada dagaalka ku dhimatay.

Maxaa ka dhacay Daanta Galbeed?

 

Dad badan oo Falastiiniyiin ah oo degan Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ayaa ka qeyb qaatay gadood guud oo looga soo horjeeday duqeynta Israa’iil ee Qaza. Meelo ka mid ah Israel oo ay ku badan yihiin Carabta Israel, sida Xaifa, ayaa iyaguna ku soo biiray shaqo joojinta.Waxaa la xiray adeegyadii bulshada, iskuuladii iyo goobo ganacsi oo badan.

Dagaallo ayaa ka dhacay dhowr meelood. Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed, booliska Israa’iil waxay sheegeen in rasaas lagu furay iyaganu ay ku jawaabeen rasaas kale.

Saddex Falastiiniyiin ah oo aagga ku sugnaa ayaa la dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka . Qof kale oo Falastiini ah ayaa la dilay ka dib markii uu isku dayay inuu weeraro askarta ku sugan Hebron, sida ay sheegeen ciidamada Israel.

Maxaa ka dhacay xadka?

 

Shalay galinkii hore ayaa Israa’iil waxay furtay marinka Kerem Shalom si loogu oggolaado in gargaarku gaaro Qaza . Qaramada Midoobey ayaa soo dhaweysay go’aankaas, laakiin sidoo kale waxay ku boorisay Israa’iil inay furto marinka Erez, si ay ugu suurta gasho shaqaalaha samafalka inay galaan Qaza isla markaana halkaa gargaar la gaarsiiyo.

Maxaa rabshada keenay?

 

Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas waxaa sababay maalmo ay sii kordhayaan isku dhacyada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo booliska Israa’iil oo ka dhacayay masaajidka barakaysan ee Al Aqsaa oo ku yaalla bariga . Xamaas waxay Israel ka dalbatay inay booliska ka saarto halkaas iyo degmada u dhow ee Sheekh Jarraah, halkaas oo qoysaska reer Falastiin ay wajahayeen ka saarista guryo ay daganaayeen. Xamaas ayaa gantaallo bilowday markii dalabkooda laga jawaabi waayay .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post