663 Views

Madaxweynayaasha Galmudug oo iska fogeeyay in uu boobay doorashada

Madaxweynayaasha Galmudug oo iska fogeeyay in uu boobay doorashada
____________________________________________________________________________


Isniin: December 20, 2021

 
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafatagareen) ayaa sheegay in mar walba ay maqlaan in doorashada ay boobeen, balse uu sheegay in taasi aan waxba kajirin.

Wuxuu sheegay laftagareen in doorashada ay u qabteen Afar kamid ah Beelaha Koonfur Galbeed, balse aysan jirin cid kursi laga boobay, wuxuuna ku baaqay in qofkii kursi waaya uusan dadka ka dhaadhicin in wax la boobay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhankiisa sheegay in aan la isticmaalin waa la boobay ama waa la dhacay doorashada, isla markaana qof walba oo la dhaliilayo uu yahay mid wax wabto.

Wuxuu sicad u sheegay in doorashooyinka ay soconayaan ka maamul ahaana ay qaadanayaan dhaliisha, isaga oo sheegay in doorasho la’aanta ay caqabad ku tahay xasiloonida dalka.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay doonayaan in doorashada la dedejiyo ayna diyaar u yihiin inay dhageystaan dadka tabashooyinka ka qaba doorashooyinka socda.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ah kuwa bilaabay doorashooyinka Golaha Shacabka ayaa waxaa ka gimid cabasho badan, iyaga oo lagu eedeeyay inay boobeen kuraasta Golaha Shacabka qaarkood.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post