1179 Views

Madaxweyne Saciid Deni Oo Balan Qaad U Sameeyay Ciidanka Puntland

Madaxweyne Saciid Deni Oo Balan Qaad U Sameeyay Ciidanka Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo gelinkii dambe ee shalay gaaray degmada Carmo ee ka tirsan Gobolka Bari ayaa ka hadlay amniga deegaano ka tirsan Puntland oo socdaal uu ku maraayo.

Madaxweyne Saciid Deni oo dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo kula hadlaayay ayaa waxa uu sheegay inay Puntland ay ahmiyad gaar ah siin doonto sugida amniga iyo daryeelka Ciidamada,isla markaana xusay inay ogyihiin duruurafaha adag ee ay ku shaqaynayaan.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidamada qalabka sida meelkastay joogaan, siday marwalba ugu heelan yihiin inay nabadda iyo xasiloonida ka shaqeeyaan, socdaalkayagii Garoowe illaa iyo Carmo waxaa muuqanaysey inay har iyo habeen meel walba ka hawlgelayeen, iyadoo aynu ognahay duruurfta adag ee ay ku shaqaynayaan, waxaan balan qaadayaa in dowladda ahmiyaddeeda koowaad, labaad iyo sadexaadba noqondoonto daryeelka ciidamada, sugidda amniga iyo horumarinta bulshada” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku hoyday degmada Carmo ee Gobolka Bari,isagoona kulamo xog-wareeysi ah la qaatay Maamulka degmada, kan Gobolka Bari, qaar kamid ah Golayaasha Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment