1164 Views

biy Axmed oo soo saaray bayaan ku saabsan doorashada Itoobiya ee bisha June

biy Axmed oo  soo saaray bayaan ku saabsan doorashada Itoobiya ee  bisha June
____________________________________________________________________________

April 25-2021

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta soo saaray bayaan ku saabsan doorashada lagu wado dabayaaqada bisha June iney Itoobiya ka dhacdo.

Abiy Axmed bayaanka uu soo saaray wuxuu ku sheegay doorashada dalka ka dhici doonto iney noqon doonto mid ka jawaabto ‘cabashooyinka shacabka’ ee qarniyada soo taagnaa.

Waxaan dooneynaa ayuu yiri doorashada iney noqoto mid wax ka baddasha dhibaatooyinki soo gaamuuray ee sababay iney kumannaan aqoonyahan iyo arday hal door ah naftooda qaaliga ah ay micna darro ku waayaan.

Ururro iyo Jabhado hubeysan oo ka biya diidday tacaddiyada faraha badan ee ka dhacayey dalka Itoobiya iyaguna waxay qayb ka noqdeen iney kumannaan muwaddiniin ah naftooda waayaan.

“Halganki hubeysnaana hadda waxaa baddalay mid ka khatar badan oo ah kan ka socda baraha bulshada ee ay wadaan dad u badan qurba jooga oo daafaha caalamka ku kala nool oo shacabka qoryo isugu dhiibaya iyaga oo farriimo been abuur ah oo naceyb xambaarsan bulshooyinka dhexdooda ku baahiya” ayuu yiri.

Doorashada maxaa laga filanayaa?

Bayaanka ra’isal wasaaraha uu doorashada kaga hadlay waxaa kale oo lagu sheegay doorashada bisha June 2021-ka dalka Itoobiya ka dhici doonto in lagu soo dooran doono baarlamaan ka duwan baarlamaannadi horay loo soo dooran jiray oo dhab ahaan shacabka dalkaasi si buuxda u matala rabitaankoogana ka jawaaba.

Dalka Itoobiya intii uu jiray ma yeelan aya bayanka lagu yiri baarlamaan ay codkooda ku soo doorteen oo si rasmi ah u matala. Shacabku haddii ay heli lahayeen xildhibaanno ay soo doorteen oo baarlamaannada ku matala jabhadeyn iyo mudaharaadyo aan micno lahayn naftooda qaaliga ah ay ku waayaan.

Waddamada la sheego iney dimuqraadiyadda ku hormareen oo dimuqraadiyadda looga dayan karo dadka ku nool cabashadooda kuma soo gubiyaan baraha bulshada oo waxay leeyihiin golayaal ay doorteen oo iyagu matala har iyo habenen

Fursadda dahabiga ee ay wadato doorashada

sanadkan?

“Dowladda Federaalka waxay ku hanweyn tahay doorashada guud ee sanadkan dalka Itoobiya ka dhaceyso iney la timaaddo fursad dahabi oo ay shacabka dalka oo dhan ka faa’ideysan karaan. Waxayna noqon doontaa mid shacabkeenna waddooyinka ka soo xaroodaan oo ay baarlamaanka aadaan, duurkana ay ka soo baxaan oo miiska wada hadalka u soo noqdaan.”

Abiy waxaa kale uu sheegay doorashada sida uu jadwalka yahay iney u dhacdo laga guuleysto xisbiga hela kuraasta dowlad uu ku dhisi karo oo ah 51%, ka sokoow xisbiyada kale ee dalka ka jirana waxay baarlamaanka soo socda ka heli doonaan kuraas aan yareen taasoo noqon doonto mid albaab cusub u furto dimuqraadiyadda Itoobiya oo magaca u yaalka ahaa.

Shacabka maxaa la gudboon?

 

Bayaanka Ra’isal wasaare Abiy Axmed ee doorashada ku saabsan waxaa lagu sheegay dadaallada faraha badan oo ay dowladda u gashay iney doorasha xor ah oo lagu wada kalsoon yahay ay dalka Itoobiya ka dhacdo waxaa micno u yeeli kara shacabka oo kaarka codbixinta qaata kaddibna maalinta codbixinta codkooda cidda ay rabaan ku doorto, haddiise ay shacabka kaarka codbixinta qaadan waayaan dadaalladi oo dhan waxay noqonayaan hal bacaad lagu lisay.

Doorashada guud ee dalka Itoobiya ka dhaceyso dabayqaada bisha June ee sanadkan 2021-ka oo aan dhammaanteen ka wada qayb qaadanno waxay dalka u horseedeysaa iney dhisanto dowlad shacabka oo dhan ay raalli ka yihiin taasoo dalka iyo dadkaba faa’ido aad u badan ay ka helayaan jawaab waafi ahna ka bixineysa cabashooyinka shacabka ee qarniyada jawaabta loo la’aa, ayuu ku yiri Abiy Axmed bayaanka doorashada ku saabsan uu soo saaray.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post