1092 Views

Madaxweyne Trump oo kusii jeeda Magalada london

Madaxweyne Trump oo kusii jeeda Magalada london
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL | June 03,, 2019  –Madaxweyne Trump ayaa ku sii jeeda Britain halkaas oo ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah.

 

Arrintaas ayuuna ku tilmaamay safar aad muhiim u ah, dhanka kalana Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in ay tahay fursad lagu sii xoojin karo calaaqaadka aadka u wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya.

 

Balse siyaasadaha labada dal ayaa kala duwan marka ay timaaddo xaaladda Iiraan iyo isbadalka Cimilada Adduunka. Iyadoo arrinta booqashaduna ay taagan tahay, safiirka Maraykanka u fadhiya Britain ayaa ka digay in London ay la macaamisho shirkadda Huawei ee Shiinaha laga leeyahay, gaar ahaanna marka ay timaaddo khadka casriga ah ee 5G loo yaqaanno.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment