441 Views

Maxkamadda ICJ oo Uganda ku xukuntay Malaayiin Dollar oo magdhow ah

Maxkamadda ICJ oo Uganda ku xukuntay Malaayiin Dollar oo magdhow ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

 Maxkamadda Caalamiga ICJ ee hoostagta Qaramada Midoobay  ayaa maanta ku xukuntay Dowladda Uganda in ay bixiso lacag magdhow ah gaaraya $ 325 Milyan oo dollar,  ka dib dagaalkii ay billowgii 1990  la gashay dalka ay dariska yihiin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Maxkamadda ayaa xustay in Magdhowgaan la siin doono dadkii dagaalka ku waayay eheladooda iyo hantoodii, iyadoo Uganda lagu eedeeyay in ay ku xad gudubtay Xeerarka Caalamiga ee dagaalka oo aan oggoleyn in la waxyeeleeyo dadka rayidka ah.

Dacwadaan ayaa waxaa maxkamadda u gudbiyay dowladda Congo, waxaana ay socotay muddo 15 sano ah sidii loo saari lahaa go’aankeeda.

Dowladaha Uganda iyo DC Congo ayaa waxaa dhexmaray dagaal xooggan sannadkii 1990, kaasi oo sababay dhimashada boqolaal iyo barakaca kumanaan ruux.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post