666 Views

Guddoomiya Guriceel Anas Cabdi Macalin iyo Ciidamo uu wato oo u dhaqaaqay magaalada Guriceel caawa

Guddoomiya Guriceel Anas Cabdi Macalin iyo Ciidamo uu wato oo u dhaqaaqay magaalada  Guriceel caawa
____________________________________________________________________________


October 19, 2021

Wararka ka imaanaya caawa gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay ka jirto xaaladii ugu danbeeyay ee kacsanaan ah iyo Xiisad Dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in caawa magaalada Guriceel ee Xarunta Ganacsiga Galmudug ay caawa la liicayso Dagaal kadib Markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa galmudug ay ka sii dhawaaden Meeshii ay joogeen saakay.

Dhinaca kale  dadka deegaanka ayaa haatan wada barakicii ugu xooganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta colaaddaasi.

Sidoo kale ciidamo uu hoggaaminayo guddoomiya Guriceel Anas Cabdi Macalin oo horey ugu sugnaa deegaanka Odaale ay fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Hareele oo hoostaga magaaladaasi ayaa ku sii ruuqaansaday caawa Fiidkii magaalada Guriceel taasi oo cabsi dhalisay Xoogan.

 ciidamada dowladda Soomaaliya oo horey ugu sugnaa deegaanka Gowd Wiil oo waqooyi ka xiga Guriceel ayaa ruqaansaday dhanka magaalada, kuwaas oo haatan saldhig milatari ka sameystay meel qiyaastii 7 KM u jira magaalada Guriceel.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post